Alshabab Lagu Xasuuqay Jubbada Dhexe

In ka badan 15-kamid ah Argagixisada Alshabaab ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii xalay duqeyn lala beegsaday Gobalka Jubadda Dhexe halkaas oo ay ku shirsanaayeen ku dhowaad 30 ka tirsan horjoogayaasha Argagixisada Al-Shabaab. sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-km qiyaastii u jirta tuulada Hargeysa Yarey ee gobolka Jubada Dhexe, wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa sadex gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen Al-shabaab.
Horjoogayaasha Argagixisada Alshabaab ee shirka joogay waxaa kamid ah, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.
Horjoogayaasha Al-shabaab ayaa ka shirayay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada kale ee Daacish, kaasi oo haatan ku sii faafaya deegaanada Jubooyinka, sida uu ogaaday Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya.

Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.