Gudoomiye Cawad Raali Galinsiiyey Wasiir Bayle

cawad

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Golaha ee maanta oo looga hadlayay lacagta Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay sheegeen in la musuq maasuqay.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka uu dul duleel ka muuqdo, sidoo kalena warbixinta iyaga oo aan soo marsiin Guddiyada joogtada ah iyo Guddoonka Golaha ay Baarlamaanka hor keeneen.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri. “Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.