Daawo:Abaan duulaha ciidanka xoogga dalka ayaa Gaaray Baladwayne

odawaa

Wafdigan uu horkacayay abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Maxamuud Macallim Koronto ayaa ujeedka socdaalka Abaanduulaha ku sheegay iney tahay tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka.
Generaal Odawaa Yuusuf Raage aya kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay taliska guutada 5-aad ee xoogga dalka Soomaaliyed ee ka howlgala gobolka Hiiraan,isagoona u kuur galay xaaladda ciidanka ay ku shaqeynayaan.
Gaba-gabadi kormeerka waxaa warbahinta lahadlay taliyaha qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaliyed Generaal Maxamuud Macallim Koronto,wuxuuna sheegay muhiimadda ugu weyn ee socdaalka Abaanduulaha Ciidan Xoogga dalka ay tahay in la ogaado tirada saxda ah ee Ciidanka Xoogga ee ka howlgala gobolka Hiiraan si hadda wixii ka danbeeya musharaarkooda akoonadooda ay ugu qaataan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.