Maxaad kala Socotaa Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

koonfurgalbeed

Guddiga doorashada Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray sida uu noqon doono jadwalka doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi oo maalmo kooban kaliya ay inaga xiggaan.
Warqad uu ku saxiixan yahay Xildhibaan Shaacir Bayle oo ah Gudoomiyaha Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu cadeeyay hanaanka doorashada u dhaceyso.

22 illaa 23 Bisha ayaa loo asteeyay inay ahaan doonto diiwaangelinta xubnaha Musharaxiinta Koonfur Galbeed.
25 Bisha ayaa lagu calaamadeeyay inay noqon doonto maalinta ay jeedin doonaan Khudbadaha Musharaxiinta Maamulka Koonfur Galbeed.
26 illaa 27 Bisha ayaa Guddiga waxa ay sheeegeen inay noqon doonto Shirka Guddiga iyo kormeerka goobta doorashada ay ka dhaceyso.
Ugu dambeyn 28 Bisha oo ku beegan maalinta Arbacadda ayaa si rasmi ah u dhici doontaa doorashada Maamulka Koonfur Galbeed, haddii qorshaha uusan waxba iska bedelin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.