Kabiirkii Ardaydii Kornayl Gabre olalaha uu Hada Bilaabay Maxay ka Dhigan Yihiin?

Gabre

Su,aashaan aan dhammaan Soomalida u soo bandhigay ee aan isleeyahay ruux kasta oo Soomali ah way ku haboontahay in uu jawaab u raadiyo inta anan ka hadlin aan soo qaato saddex maahmaahyood oo aan is iri waa loo soo daliishan karaa ka hadalkeeda:-

1-Isu qabe an loo qabin oo isla qaalan baa jira,ama nin isfaanshay waa ri isnuugtay.
2-Nin aad taqaanid inta marada laga rogo waa kuma lama yiraahdo.
3-Arintaadu maaha sida aad isu aragto ee waa sida laguu arko.
1- Haddaba waa arinta koowaada dhammaan dadka isirka Soomaalida ku abtirsada kabiirkii Korneyl Gabre afar sano oo ay afka gacanta ku hayeen bay si fiican u barteen,waxayna ka tashadeen 08/02/16,ilowsho dhawaa ma umul baa,boogihii iyo haarihii Korneyl Gabre dalka iyo dadka Soomaaliyeed u geystay adna aad gacanyaraha u ahayd kabiir haysdhin waa la iloobay ,dadka sidaas kuu bartay inaad isu faaniso manta ama aad isku daydid in aad xigmad ka dhaadhicisid,ma waxaan kum sheegnaa garasho la,aan mise macangagnimo iyo indha adayg?
2-Marka labaad ilama aha in qof Soomaalinimo ku jirto oo si fiican xaaladada ula socday agfartaadii sano in muuqaaga iyo hadalkaagu dhadhan iyo micne u yeelanaayo ,laakiin ardaydii gabre ee aad kabiirka u ahayd waa kuu ooyayaan,sida qolada gudoomiyaha kuu magacaabatay iyo xaalada kismaanyo manta ka dhacaysa,(MAR IDAGE ALLAHA DAGO LABA IDAGE ANAA ISDAGAY).
3-Mudo bil gudaheed kabiirkii Korneyl Gabre oo doonaaya in uu mar kale hoggaanka dalka Soomaaliya hanto ayyuu noo sheegay laba arimood oo sidii lagu bartay awalna lugu yiqiin ka turjumeysa oo ahayd in aan afkiisa iyo dhegihiisu ismaqlin waa tan koowaade wuxuu noo sheegay(DAWLADA MAANTA JIRTA DHAQAALAHA WEY IIGA FIICAN TAHAY HOGAAMINTA IYO SIYAASADA DIBADANA ANAA KA FIICNAA.Waxaan isweydiiyey qof kastana u muuqan karta dhaqaala la,aan hoggaan fiican iyo siyaasad hanashadeed suurtagal ma noqon kartaa? Bal ka jawaaba idinku ahristayaal .

Tan kale waa sida uu kismaanyo ka sheegaye xukuumada nabad iyo nolol been bay dhaqaalaha ka sheegtay ee kororka dhaqaalahu wuxuu soo bilowday 2013 oo waa hawl aan anigu soo qabtay waxay ku faanayaan,bal akhristayaal wax ka dhaha annaga oon wada og bililaqadii afartiin sano oo Gabre iyo kabiirku talada hayeen dalka ka dhacaday sida dhulkii warashadihii,hoteeladii garoomadii ciyaaraha ee degmooyinka ,xarumihii ciiddamada qaarkood,jardiinooyinkii ama beerihii nasashada iyo barxadihii kala duwanaa ee gaadiidleeydu is ticmaali jireen(bosteejooyinkii) IWM intaas waxaa dheeraa haddiiba wax dhaqaala ahaa soo galeen in aan shaqaale iyo ciidan midna afka loom saarin.Arintaas sow maaha guuldaro aan sanada badan laga soo kaban Karin?Akhristayaal idinku ka jawaaba.

Isku soo wada duub ahkristayaal muuqaalo aan idiin soo urushay ee idin tusaysa wadashaqayntii iyo kalsoonidii korney Gabre iyo kabiirkii afartii sano ee ka horeysay xukuumada nabad iyo nolol hoos ka daawada,kana jawaaba bal ninka xaalkiisu saas ahaa indha adayga uu manta madaxtinimo ugu xusulduubaayo.Bal yuu abaalgashaday marka laga reebo korneyl Gabre iyo ardaydii uu kabiirka u ahaa.Daawasho wacan iyo nin iyo aragtidi.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

gabre

1 Comment

  1. Runtu waa muhiim, laakiin dadbey dhibeysaa. Inta aad ku sheegtay Qoraalka iyo sawirada caddeynta u ah, sidii Gebre dadka iyo dalka Soomaaliya ugu xadgudbey, ugu sameyn jirey bahdilaadda aan caadiga aheyn iyo sida foosha xun ee ula dhaqmi jirey Shaqsiyaad sheeganayey iney masuuliyadda u hayeen dadka iyo dalka Soomaaliya, waa wax xanuun badan leh, laakiin intii ay iska aamusi lahaayeen waxaa a mooddaa ineyba ku faanayaan.

    Ilaahayoow karaamada iyo sharafta ha naga qaadin, meel aan munaasab aheyna hana fariisin. Waxaay aheyd ceeb iyo fadeexo weyn sidee Gebre gacanta ugu dhigey Soomaaliya asagoo Soomaaliya ka dhigey tuulo ka taalla Ethiopia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.