Dhageyso:Musharax Deni oo weerar ku qaaday Gaas asagoo sheegay inuusan qilaaf udhaxayn dowlada iyo shacabka Puntaland

deni

Musharaxa doorashada madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Siciid cabdullaahi Deni oo maanta soo gaaray magaaladda Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka digay Faragalin uu sheegay in madaxweynaha talada hayee uu doonayo inuu ku sameeyo doorashada, waxaa kaloo sheegay inaan Khailaaf Dowlada Soomaliya iyo Shacabka Puntland u dhaxayn sababtoo ah Puntland waa Hooyadii Federaalka  waxuuna Bulshada Puntland uga digay Beenta  Cabdiwali Gaas uu ku marin habaabinaayo.

Waxaa kaloo Musharax Deni  sheegay in Cabdiwali Gaas qabaa’ilkii Puntland madaxa isu galiyay arrimaha soo xulitaanka xildhibaanada ka mid noqonaya barlamaanka soo socda ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.