Daawo:Shaqaalaha iyo ciidanka Madaxtooyada soomaliya ayaa kaqayb qaatay Dhismaha Tiyaatarka

madaxtooyo

Maamulka, howlwadeennada iyo ciidanka Madaxtooyada ayaa maanta ka qeyb qaatay olalaha Barnaamijka ISXILQAAN ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.
Dhismaha ka socda Tiyaatarka qaranka iyo Maktabadda ayay howl wadeenaddu ka qeyb qaateen iyaga oo lix saacadood oo xiriir ah si wadajir ah uga shaqeynayey soo nooleynta xarumaha danta guud ee dalka.
Maareeyaha tiyaatarka Abwaan Cismaan C/llaahi Guure ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in meel fiican uu marayo dhismaha hoyga murtida iyo hanuuninta ee National Theatre. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shaqaalaha madaxtooyada ee maanta shaqada lahaa iyo dhammaan shaqaalaha dowladdu ay meel fiican soo gaarsiiyeen dhismaha Tiyaatarka.
Dhinaca kale maamulka Madaxtooyada ayaa dhismaha tiyaatarka ugu qeyb qaatay agab isugu jira Shamiito, badiillo, Sakeello, Xaaqimmo Iyo fargeetooyin kuwaas oo lagu wareejiyay guddiga gacanta ku haya dhismaha.
Shaqaalaha maanta ka qeyb galay Barnaamijka ISXILQAAN ee ka socday Madaxtooyada ayaa gaarayay 600. Iyada oo 200 oo ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.