Xildhibaan ku eedeeyay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka inay mucaaradka ka tirsan yihiin

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa si wayn u dhaliilay Warbixin ka soo baxday Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Somaliya isaga oo sheegay xubnaha Guddigaasi intooda badan inay yihiin Mucaarad.

Warbixinta Guddigaasi ay soo saareen, ayaa waxa ay ku sheegeen inay jirto isdabamarin dhanka Maaliyadda ah oo Xukuumadda ay ku kacday, taasi oo ay soo saareen warbixinteeda.

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire, ayaa sheegay xubnaha Guddigaasi in laga doonaayo inay keenaan cadeymo ku saabsan dhaliilaha dhanka Maaliyadda ee ay soo bandhigeen.
“Inta badan xubnaha guddi hoosaadka maaliyadda ee Gollaha Shacabka waxay ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka waxeyna siyaasadeeyaan waajibkii gollaha shacabku u dirsadey.Eedeynta wax isdaba marin maaliyadeed waxey u baahan tahay cadeymo faah-faahsan si ciddii gashay loo helo.”ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Mire.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.