Daawo:Sababta Axmed madoobe Xukunka uga Dagi la yahay

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland ee 5 Kilomatir dhaafiwaayey 6 Sanoo Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku fashilmay Hogaanka jubbaland, Maamul xumida hogaanka Axmed Madoobe waxay keentay ammaan darro, horumar la’aan iyo in mugdi iyo shaki kala galay bulshada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Axmed Madoobe, taasna waxay keentay in Magaalada Kismaayo ay go’doon gashay taas oo Alshabab Dhinac kasta ka fadhiyo waxaana adkaaday Noloshii iyo dhaq dhaqaaqa Bulshada.

Hadaba Waxgaradka, siyaasiyiinta, Culumada ayaa dusha uga tuurey maamul xumida, amni darida iyo dhaqaale burburka ku habsadey shacabka reer Jubbaland, hogaanka sare ee maamulka Jubbaland oo ka gaabiyey iney gutaan waajibaadkii loo igmaday.

waxaa la ogaaday sababta ugu dararn ee axmed Madoobe uu xukunka uga dagi la yahay madaama Hogaankiisii fashil ku yimid inay tahay Nimcada Taala Jubbaland gaar ahaan Goobwayn, Bulshada Goobwayn dagan ee maalin kasta Madaxda lagu dulcasumayo dalxiiskana loogu yimaado mahaystaan Goobo caafimaad, waxbarasho, iyo Horumar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.