Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigeysa natiijada ka soo baxday tirakoobkii shaqaalaha rayidka ee dhawaan la sameeyay

calan

Iyadoo dhawaan Dowlada Soomaaliya ay sameysay tirakoob lagu ogaanayey tirada iyo tayada shaqaalaha rayidka ee Soomaaliyeed ayaa guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxa uu kaga warbixiyey halka uu marayo iyo waxa kasoo baxay tirakoobkaasi.

Mudane Abshirow oo wareysi gaar ah xafiiskiisa kusiiyey warbaahinta qaranka SONNA ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qabto guddiga shaqaalaha rayidka, waajiibaadkiisa, tirada shaqaalaha rayidka, rag iyo dumar waxay kala yihiin xuquuqahooda,iyo waxa kasoo baxay tirakoobkii dhawaan ay sameeyeen.

Mar uu ka hadlayey natiijada ka soo baxday tirakoobkaasi waxa uu sheegay in laga diyaariyey qabyo qoraal dhawaannna lasoo bandhigi doonno.
“Tirakoobkii lasameeyey waxaa Hormuud ka aheyd Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee Dowlada soomaaliya, annagana qeyb ayeynu ka aheyn, kaligeenna ma aheynne laakiin hay’ado badan oo ay kamid ahaayeen; xafiiska hanta dhowrka, iyo xafiisyada xisaabiyaha guud iyo Kan ra’isal wasaaraha, runtii waana lasoo tirakoobay qabyo qoraalkii laga sameeyeyna gaba-gaba ayuu marayaa, si rasmi ahna waxaa loo sheegi doonnaa marka uusoo dhammaado” ayuu yiri Gudoomiye Abshirow.
Mar uu ka hadlayey Guddoomiye Abshirow xuquuqaadka shaqaalaha rayidka waxa uu sheegay in in kastoo duruufo iyo dhaqaala yari ay wadanka ay kajirto oo ay shaqaalaha aysan helin xuquuqaadkii loo baahnaa hadana dowladu ay ku dadaasho sidii loosiin lahaa xuquuqaadka loo heli karo.
“shaqaalah rayidka a boqolkiiba boqol ma helaan xuquuqaadka loo baahnaa taasina waxaa keenaya duruufaha iyo dhaqaala yarida wadanka ka jirta inkastoo haatan dib usoo kabasho lagu jiro, laakiin way jiraan xuquuqaad isugu jira dallacsiin Tababaro u dheer mushaarkooda oo lasiiyo shaqaalaha rayidka” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Abshiro Maxamed.
Mar aan weydiinay Guddoomiyha sharci ahaanshaha shaqaalaha rayidka ah ee ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed ee dalka waxa uu sheegay in shaqaalaha rayidka, ciidamada iyo guddiyada Madax bannaanba aysan ka qeybgali karin kana mid noqon karin xisbiyada siyaasadeed ee jira, isagoo taasi ku sababeeyey in shaqaalaha rayidka ay ka shaqeynayaan dan guud ah oo dad loo qabanayo, haddiise ay xisbi galaan ay noqoneyso mid dhinac ah oo danaha xisbigaasi un ka shaqqeynaya..
Guddoomiyaha Guddiga shaqaalaha rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo aan weydiinay in sanadka soo socda ee 2019ka la qaadanayo shaqaale rayid ah waxa uu sheegay in baahida qaadashada shaqaalaha aysan ka imaan Guddiga laakiin ay ka timaado Hay’adaha kale ee Dowlada, taasina ay ku xiran tahay hadba sidii dhaqaale iyo miisaaniyad loogu soo helo dadka cusub ee la qaadanayo.
Guddiga Shaqaalaha rayidka ayaa waxa ay shaqadiisa tahay qorida, diwaan-gelinta, dallacsiinta, ruqseynta iyo Abaalmarinta dhammaan shaqaalaha rayid ee dowlada, waxaana lagu ansixiyey xeer Golaha Wasiirada soo maray, Golaha shacabka ay ansixiyeen iyadoo Madaxweynaha uu xeer kusoo saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.