Xariga Korneyl Gabre muxuu uga dhigan yahay Kooxdii uu horjoogaha u ahaa ee Soomaaliya?

gabre

Xariga korneyl Gabre markii aan maqlay iyo denbiyada lagu soo oogay oo ah
gaboodfal iyo ku xadgudub bani,aadanimada denbiyo iskugu jirey oo uu ka
geystay Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliya,waxay ka jawaabtay
su,aashii qofka Soomaaligaa is weydiinaayey ee ahayd denbiyadii uu ka galay
ummadda Soomaaliyeeed ma saas baa looga harayaa?Waxaan soo xasuustay
ininkii sideed sano jirka ahaa ee reer Garoowe 08/02/2017 khubadii iyo suugaantii
dareenka shacbiga Soomaaliyeed sida weyn u taabatay ee ahayd ma wada
xasuustee (GABROOW GABALKAAGI WAA DHACAY) haddaba maxaa dhacay
ilaa manta;-

1-Xaruntii taliska Soomaaliyeed ee Fiila Soomaaliya si deg deg ah baa looga
eriyey isla markii Madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay.

2-Intaas loogama harin ee xilkii uu IGAD uga hayey Soomaaliya ayaa laga
ruqseeyey markii xukuumadii cusbayd ee Farmaajo hoggaanka u qabtay muujisay
in ayyan raali ka noqon Karin hagardaamada uu ku hayo dalka iyo dadka
Soomaaliyeed.

3-15/11/18 warkii xariga Korneyl Gabre waxay ahayd Goal kale oo ay dhalisay
xukuumada Nabad iyo Nolol.ayyada oo la rajeynaayo in maxkamad cadaalad ah
oo ka jaasaysa wixii uu galay la soo taago,waxayna taasi abuuri kartaa
saaxiibnimo waarta iyo is aaminaad labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya,haddii
korneyl Gabre sidaas nagu dhaafay,maxaa haray?
(Ayax teg eelna reeb),waa murti Soomaaliyeed oo mudan in la xuso marka la
fiiriyo xaalku sida uu yahay ,Toban sano shaqadii uu qabtay korneyl Gabre ma
ahayn wax yar, waayo wuxuu lahaa talada ugu denbaysa ee madaxtooyada sida;-

1-Magacaabista xilalka nooc kasto ay tahay oo ay ugu sareysay golaha
xukuumada,
2-xulista xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya.
3-Dhismaha iyo hogaaminta maamul goboleedyada oo uu si toos ah ugu xirey
xukuumadii Tegreyda ee ku amarkutaagleyneysay Itoobiya dhawrka iyo
labaatanka sano.
4-Waxaa hubaal ah in ganacsatada iyo shacbigaba uu biiriqaatayaal ka
dhexsamaystay hagardaamadiisa gacan ku siin jirey ayaga oo dana yar oo gaar
ah fiirsanaaya.
Ugu denbayn waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaan tan iyo markii ay
dhalatay xukuumada Nabad iyo Nolol saaxiibadii Korneyl Gabre waxay u
muuqdeen agoon aabahood ka dheeraaday, waxay tafaha ku dheganaayeen
xukuumada in ay dalka iyo dadka u shaqayso ka go antay ee Nabad iyo Nolol
, dhinac kastana inta kareenkeeda ah ka soo hoysay guulo lataaban karo waxaana
hubaal ah qodxihii iyo canaashiirtii Gabre ka tegey ee noo wada muuqday
hadaysan dibindaabyeyneen in ay waxa ka badan qaban lahaayeen,ummadda
Soomaaliyeed ee weligeed karaamadeeda ayyadu difaacan jirtey waxaa la
gudboon in mar kasta si dhaw oo taxadar le ula socdaan (KORONKORADA)
korneyl Gabre Soomaaliya uga tegay ee uu ku aasay min magaalada Muqdisho
ilaa maamulada gobolada dalka oo dha  mana qarsoona oo waa kuwa habayn iyo
maalin hortaagan tilaabo kasta oo horay loo qaado ma harsadaan mana
hodayn dadka ka dhawaaq dheer ay aga oo mucaarad iyo isbahaysiyo

sheeganaaya waxay u rafanayeen in ay Korneyl Gabre soo celiyaan,laakiin aan u
sheegno ( Biyo ku dhaafay sooma noqdaan) Gabre soo noqon maayee dadkiina
dhinac ka raaca.
Wabilaahi Towfiiq,
C,J,Faarax

jim

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.