Muuse Biixi oo safar shaqo ku tagay Magaalada Berbera 

Miuse

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas ku soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.

Ujeeddada Safarka madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo waxa warbaahinta uga warramay af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.