Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qayb Galay Kulanka Golaha Guud Ee Midawga Afrika

madi

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay shirka Golaha guud ee Midawga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Shirkaan oo uu guddoominayo guddoomiyaha midawga Afrika Paul Kagame, ayaa qorshuhu yahay in go’aamo looga gaaro qodobadii kasoo baxay shirkii labaatanaad ee aan caadiga ahayn ee November 14 -15, 2018 ay yeesheen guddiga fulinta ee midawga Afrika.
Mowduucyada ugu waawayn ee kulanka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah ah dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta midawga Afrika (AUDA iyo dhaqaalaha lagu socodsiiyo shaqooyinka midawga Afrika.
Shirka maanta ka furmay Addis Ababa oo ah kulankii 11-aad ee aan caadiga ahayn ee ay yeeshaan golaha guud ee midawga Afrika ayaa lasoo geba-gebeynayaa maalinta berri ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.