Hogaamiyaasha Afrika oo shir ku leh Itoobiya

gulled

Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin.

Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka, si loo horumariyo howlaha horyaala, sidoo kalena waxaa laga hadlaya arrimaah amniga, siyaasadda iyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika.

Dalka Masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka Ururka, waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo.

Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya, halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood arrimaha dibadda.

Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matali doona shirkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.