Beelo Ku Dagaalamay GalGaduud oo kulmay

galgaduud

Kulankan maanta ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka Degmada Balanballe iyo Guriceel oo ka dhacay, Deegaanka Caana_laguu_dhan ee Duleedka Hardis ayaa waxaa ku weheliyay, Ugaas Axmed Barre Cali “Taakooy” iyo Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Beelahan tan iyo waxii ka dambeeyay Dagaalkii sababay dhimashada 4.ruux oo 11 ka bishaan ka dhacay deegaanka Hardis.
Gudiga Xasilinta oo gacan ka helayay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya Gaar ahaan Taliyaha Qaybta 21.aad Genaraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu Horkacayo Taliye Cali Cilmi (Ilkacase) ayaa waqti iyo dadaal ku bixiyay isu keenida Waxgaradka beelahan, isla markaana ku kala dhex jiray maleeshiyaadkii horay ugu diriray deegaankaasi, ayaa furay kulanka ay isugu yimaadeen dhinacyadan waxaana ay sheegeen inay Beelahu u madax banaan yihiin wadahadalka dhexdooda, iyaguna ay qaadanayaan Sugidda amaanka iyo dhaqan galinta go’aamada ay gaaraan.
Markii uu furmay kulanka oo uu hadalka u soo wareegay Odayaasha labada dhinac waxaa ay ku furteen sharuudo u muuqday inay ugu soo tala galeen madasha Shirka, waxaana sharuudahaasi ay noqdeen kuwo si dhaqsa ah u soo xiray shirkii, kadib markii dhan walba uu diiday inuu ka tanaasulo Go’aamada ay kala wateen.
Lama balamin, caawana waxaa lagu kala hoyday iyada oo aan la ogayn waqtiga xiga ee la isu imaan doono.
Ilaahey waxaan uga baryeynaa in uu towfiiqda iyo talada tii toosan haleeshiiyo. Dadkaas walaalaha ah ee wada degan, boggoodana burcad isku mariyo. Aamiin.
Warbixintii Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.