Daawo:Cali Maxamed Geedi oo soo dhaweyn loogu sameeyey Kismaayo iyo Fariin uu Axmed madoobe usoo dhiibay

geedi

Xafladaan oo ahayd qado sharaf loo sameeyey Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo maal mahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo qayb galay Madxaweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane, Salaadiin iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa muddadii uu joogay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna bixinaayey tallooyin la xiriira xoojinta horumarinta guud ee Jubbaland iyo sidii uu ula heshiin lahaa dowlada Soomaliya

Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa waxuu Fariin kasoo qaaday Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo qabaha Kala duwan ee Bulshada kusugan Magaalada Kismaayo taas oo ah in  afgarad lagu dhameeyo qilaafka soo kala dhexgalay Dowlada iyo Maamul Goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.