Dhageyso:Odayaasha iyo Waxgaradka Balanballe oo heshiisiinaya Beelo ku dagaalamay Deegaankaas

Maanta ayaa waxaa loo balansan yahay in ladhamestiro dib-u-heshiisiin loo sameynayo labo Beelood oo walaalo ah kuwaas oo ku dagaalamay Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud0.
Waxgaradka, Odayaasha iyo Nabadooda ayaa arrintan siddii loo dhameystiri lahaa ka shaqqeynaya kuwaas kusii jeeda goobta uu shirku ka dhacayo.
Deegaanka Hardhis oo Dhanka Koofureed kaxiga ee Deegaanka Balanbal ayaa waxaa dhacaya Shirka Beelahan lagu heshiisiinayo halkaas oo Odayaashu Gogasha u dhigeen labada dhinac.
Ciidanka Qalabka sidda qeybta 21-aad ayaa kala dhexgalay meeleeshiyada Dagaalamay kuwaas oo illaa iyo haatan dagan meelihii lagu dagaalamy.
Wariye Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo Warbaahinta Qaranka uga soo warama Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay lagu Mashquul sanaa sidii colaadan loo xali lahaa haatana ay u muuqato mid lasoo afjarayo.
Dadka dagaalamay ayaa ah reer guuraa kuwaas oo aanan kala fogeyn waxaana markasta oo qilaaf soo kala dhexgalo labaddan dhinac arrintu isku badashaa dagaal iyo gacan ka hadal balse hadda ayaa sidii arrintaas oo ladhmeyn lahaa waxaa ka shaqeynaya Dowlad Goboleedka galmudug iyo Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanadaas.
Halkan ka Dhageyso Wareysi Wariyaha Dhuusamareeb Maxamed Deeq Cabdi Maxamed.
Xigasho Warbaahinta Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.