Guddoomiyaasha Barlamaanka Somaliya iyo Jaziiradda Qubrus oo Kulmay

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedearaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaziiradda Qubrus mudane Teberruken Ulucay.
Guddoomiyaha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Lefkosa ee Waqooyiga Qubrus ayaa dhigiisa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac.
Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii wadajir la isaga kaashaan lahaa arrimaha horumarinta iyo aqoon kororsi dhex mara.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay Jaziiradda Qubrus waxa uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.