Dhageyso:Colaad hor leh oo laga soo sheegay magaalada Mooyaale.

dagaal

Dagaal ayaa mar kale saaka ka qarxay magaalada Mooyaale ee dalka Itoobiya, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayao.
Dad goob joog ah ayaa BBC-da u sheegay in dhimasho iyo dhaawacyaba ay jiraa, isla markaasna labada dhinacba ay dab qabadsiiyeen guryo iyo xafiisyo.
Dad badan oo shacab ah ayaa isaga firxaday guryahooda.
Wali ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka.
Haddaba si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno waxaan khadka taleefoonka goor dhaw kula xiriiray Axmed Ibraahim Maxamed oo ka mid ah shacabka degan Mooyaale.
xigasho BBCda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.