Daawo:Dadkii daganaa Madxafka Qaranka oo maanta ka guuray,

matxafka

Dadkii daganaa Madxafka Qaranka oo maanta ka guuray, waxaana dhawaan ka bilaabanaya hawlo dib loogu dhisayo, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo Guddoominaya Guddi Hoosaadka dhismaha Matxafka Qaranka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa maanta Olole Nadaafadeed ka bilaabay Matxafkii Qaranka oo Dowlada Soomaaliya ay Shacabka degan u qabatay Mudo 15-Maalmood inay kaga guuraan maadaama la doonayo in lagu dhiso Mashruuca Is Xilqaan.
Wasiirka ayaa kaga mahad celiyay Shacabkii degenaa Matxafka Qaranka sida ay ugu dhaga nuglaadeen Amarkii Dowlada, iyagoona ka guuray ka hor mudadii loo qabtay oo Beri ku eg.
“Waxaan rabaa inaan aad ugu mahad celiyo Shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii degenaa halkan oo muujiyay Wadannimo, Is Xilqaan iyo Dowladnimo jaceyl una dhago nuglaaday Awaamiirtii Dowlada waxaa loo qabtay 15-Maalmood oo Beri ay ku eg tahay hadana waxaa noo muuqato in cidna aysan degeneyn oo Amarkii Dowlada ay qaateen Shacabka”.ayuu yiri Wasiirka.
Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Labo Todobaad ka dib markii Ololaha Nadaafada lasoo gaba gabeeyop uu dhagax dhigi doono Matxafka Qaranka.

Dadkii daganaa Madxafka Qaranka oo maanta ka guuray, waxaana dhawaan ka bilaabanaya hawlo dib loogu dhisayo,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.