Kooxda Argagixisada Shabaab oo isku dagaalantay Magaalada Jilib

shabab

wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, waxaa shalay galab halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay xubno ka tirsanaa Al Shabaab, Dagaalkaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii ciidamo Shabaab ka tirsan ay weerareen nin Ajnabi ah oo ku sugan Masaajid ku yaallo Magaalada Jilib, kaasi oo ay doonayeen ciidamada Shabaab inay gacanta ku soo dhigaan.

Ninka Ajnabiga ah oo ay la socdaan xubno Shabaab ka tirsan ayaa diiday inay is dhiibaan oo la qabto, waxaana taasi ay keentay in ninkii Ajnabiga ahaa uu la soo baxo bambo si uu isku difaaco, balse markii dambe ay toogteen xubno Shabaab ka tirsan.

Ninka Shabaab ay dileen ayaa lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al-Masri, wuxuuna u dhashay dalka Masar, warar kalena waxa ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Syria, Ciidamada Shabaab ayaa gacanta ku dhigay raggii kale ee ninkaan la socday oo dhamaantood looga shakisan yahay inay gacan saar dhaw la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta Somaliya.

Xubnaha Shabaab ay xiren, ayaa waxaa ka mid ah Suxufi ka shaqeynaayay Idaacada ku hadasha Afka Shabaab oo isagana daacish lala xiriirinaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.