Jabuuti:Shirka Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka oo lasoo gaba gabeeyay

Magaalada JabuUti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.

Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman.

Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.