Dhagayso+Sawiro:Dowlada Soomaliya oo Ciidamo kala dhexdhigtay Beelo ku dagaalamay Galmudug

ciidan

Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Howlgala Deegaanada Dawlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta ku baxay Deegaanka Hardis oo qiyaastii 25 KM Dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Balambal, kaasi oo dhowaan Dagaal uu ku dhexmaray Laba Maleeshiyo.

Gaashaanle Dhexe C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha Howlgalada Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u Xaqiijiyey in Ciidamadu Halkaasi ay ku bexeen, si ay u kala dhexgalaan Dadkii Deegaankaasi ku dagaalamay, ayna u xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Gaashaanle Dhexe C/qaadir in Taliska Ciidanka Xoogga Dalku uu amray in Dadkaasi la kala dhexgalo, si Dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin.

ciidan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.