Daawo:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Sheegay In Horumarka Dhaqaalaha Dalka Lagu Gaaray Dadaal iyo Wadajir

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaaka Soomaaliya, mudane Mahdi M. Gulaid oo maanta daah furay Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa sheegay in horumarka dhaqaalaha ee la gaaray uu ku yimid dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen madaxda dalka oo au ugu horreeyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in wajiga sedaxaad ee Barjaaminka SMP ee loogu diyaar garooobayo cafinta daymaha lagu leeyahay dalka in uu meel wanaagsan maraayo, maadaama dawladda, shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga qayb qaateen qorshaha cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dalkeennu uu leeyahay Khayraad aad u badan oo ku filan dadka Soomaaliyeed, hadii la isku tashado oo la iskaashadana Soomaalidu ay ka bexeyso faqriga iyo gaajada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.