Dhagayso:Nintiisa Daryeela Tukale kudara Dhadhaab Biyo ha loo Dhaamiyo

Waxaa maalmahan ku soo noqnoqanaya Kismaayo rag sheeganaya in aay yihiin wakiilada dowladaha hoose ee Waqooye Bari Kenya. Raggani oo sida aan ka warqabno u ololaynaya hogamiyaha fashilmay ee maamulka ko oodan Kismaayo oo uu waqtigiisii dhammaaday.
Waxaa nasiibdarro ah in degaanada aay wakiiladan ka soo jeedaan aay dadkii iyo duunyadii harraad ugu go’ayaan. Waxaan oran lahaa idinka iyo kan aad u ololeyneysaan waxaad ku sifowdeen maahmaahdii ahayd “laba qaawan isma qaado”.
Waxaan idin xasuusinayaa siyaasiyiintii ruugcadaaga ahaa ee Waqooyi Bari Kenya ayaa faraha ka laabtay markay kor u hinjinwaayeen maamulkan lagu khasaarey ee fashilmay.
Hawsha dhabta ah ee idiin taala waa inaad gurmad biyo dhaamin ah shacabka aad mateleysaan gaarsiisaan, farahana aad kala baxdaan arrimaha Jubaland u gaarka ah.
Yuusuf Ducaale,
gudoomiyaha RJA

yusuf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.