Dhagayso:Dowlada Soomaliya oo ka hadashay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

qarax

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Aadan Isaaq oo ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada Al-Shbaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ayaa sheegay inay cambaareynayaan ficilka naflacaariga ah ee ay geysteen maleeshiyadka Al-Shabaab.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen laamaha amaanka, waxaan mar labaad iyo mar saddexaad waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay banaanka u soo baxaan, ee aan la sii fiirsan argagixisada Nolol la dirirka ah, ee diidan in qof Soomaaliyeed uu noolaado,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.