Daawo:Gaas oo Xilkii uu kaqaaday Abwaan Shube Gudoomiye Cusub u Magacaabay

Madaxwaynaha Waqtigiisa sii dhamaanayo ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa waxuu dhawaan Xilka kaqaaday Abwaanka Soomaliyeed ee Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube kadib markii uu kahoryimid Shirkii qaar kamida Madaxda maamul Goboleedyada ugu soo dhamaaday Garoowe kaas oo natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube ayaa Cabdiwali Gaas ku eedyey inuu ku Xadgudbay Jiritaanka iyo Maqaamka Dowladda Puntland Isagoona ku kacay falal lid ku ah jiritaanaka Puntland, lakiin waxa kaliya ee Abwaan Shube sameeyey ayaa ahaa inuu dhaliil usoo jeediyey shirkii Madaxda maamul goboledyada qaarkood ugu soo dhamaaday Garoowe.

Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube ayaa ahaa Gudoomiyaha Kooxda Fanka iyo Sugaanta ee Waabari Puntland waxaana hada loo magacaabay Ibraahim Ciise Cajaa’ib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.