Daawo:Axmed Madoobe oo laga horistaagay inuu tago Garbahaaray iyo Digniin loo diray Gudoomiyaha Gedo

madoobe

Magaalada Garbahaaray waxaa ka dhacay Shir jaraa’id oo bulshada Garbahaarey ay ku shegeen inuusan imaan karin Ahmed Madoobe Magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey, Kulankaan oo ay qabteen qaybaha kala duwan ee bulshada Garbaaharay ayaa waxuu yimid markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed uu sheegay in lasoo dhaweeyo Axmed Madoobe qilaaf dowlada iyo Maamul goboleedyada udhaxeeyana uusan jirin.

Hadalada Kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa waxuu ka caraysiiyey Bulshada Magaalada Garbahaaray waxayna sheegeen inuusan Axmed madoobe Imaan Karin Magaalada Garbahaaray sababtoo ah dulmi intii kufilan waa noo gaystay in kalana ma yeelayno.

Waxaa kaloo sheegeen bulshada Garbahaaray inuu Axmed Madoobe Xirirka u jaray dowlada Soomaliya anakuna hadaan nahay Bulshada Jubbaland ama Gedo xirirkaan axmed Madoobe u jarnay Noomana imaan karo.

ugu dambayntii Bulshada Magaalada Garbaharay ayaa waxay sheegeen hadii Axmed madoobe yimaada Magaalada Garbaaharay waxii ka dhaca waxaa masuuliyadeeda yeelan doona Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.