class="post-template-default single single-post postid-47868 single-format-standard">
Gedo Times

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya oo ka Tacsiyadeeyey qaraxii Kadhacay Muqdisho

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee ka dhacay Isgoyska Km4 gaar ahaan Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, Isagoo tacsi u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay, dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo, kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in kooxdan ay caadeysatay dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay mar walba beegsadaan dadka aan waxba galabsan sidoo kalena ay beegsadaan goobaha ay dadka isugu yimaadaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadkan ay maanta dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ayna kooxdan geysteen, iyadoo ay tahay maalin Jimcaha kana duwan maalmaha kale ee Alle sidoo kalena ah maalin ciideed.
Ugu dambeyn Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa aad u amaanay ciidanka Amaanka Qaranka oo mar walba naftooda u huraya badnaadinta dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga dhagarta kooxaha aragagixisada ah, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo la dagaalankooda islamarkaana meel looga soo wada jeesto si loo cirib tiro maadaamaa hadaba ay naf lacaari yihiin.
“Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah” Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.