Ethipian Airways oo soo Caga dhigatay GaroonkaDiyaradaha Muqdisho

airline

Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways.
Waxaa haatan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soconaysa munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan.
Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.
Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airpot Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga Duullimaadyada Caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka Caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.