Is Casiladii Shariif Xasan Kadib Madaxda Dowlada oo Kulmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed  Mursal ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Madaxwaynaha Soomaliya iyo Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa soo dhaweeyey is casiladii Shariif Xasan madxawaynihii hore ee maaamulka Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.