class="post-template-default single single-post postid-47779 single-format-standard">
Gedo Times

Amnesty International oo ka hadashay dad shacab ah oo dil loogu geystay Muqdish

Yariisow

War ka soo baxay Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa looga hadlay dad Shacab oo Dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Hay’adda ayaa Shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in baaris Deg deg ah lagu sameeyo kiis dil ah oo dhawaan ay geysteen Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in falka ay geysteen AMISOM uu yahay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha, iyagoona arintaasi walaac ka muujiyay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamada AMISOM ay dad shacab ku dileen isgooska SOOS ee Magaalada Muqdisho.

Dilkaas ciidamada amisom gaysteen ayaa shalay waxaa kawada hadalay gudoomiye Yariisow iyo Saraakiisha Amisom.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.