Gudoomiye Yariisow oo Amisom kala hadlay Shacabkii ay laayeen

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Saraakiisha Amisom wuxuu kala hadlay dhacdadii shalay subax ciidamada Amisom ay ku laayeen dadka rayidka ah.

Ciidan ka tirsan kuwa Burundi oo maraayay nawaaxiga Isgoyska Ex-Control Balcad ayaa halkaasi waxaa lagula eegtay qarax, waxayna ciidanka dileen Afar ruux oo toogasho ay ku dileen kadib qaraxaasi lala eegtay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Taliyaha Amisom ay u sheegeen baaris deg deg ah in lagu sameeyo arrintaasi, maadaama ciidamada Amisom dad rayid ah ay laayeen.

Ehelada Marxuumiinta la toogtay oo shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa ay sheegeen inay la dagaalami doonaan ciidamada Amisom, haddii dhibka dhacay si deg deg ah aysan Amisom uga jawaabin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.