Bananbax looga soo horjeeda Amisom oo Muqdisho ka dhacay

Magaalada waxaa bananbax sameeyey Dad ka careysan dil shalay Ciidamo ka tirsan AMISOM u geysteen dad Shacab.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay 4 Ruux oo darawaliin ahaa wax ay ku dileen Ex-koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho kadib markii qarax Miino lagule eegtay halkaas.

Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee Magalada Muqdisho,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Ciidamada AMISOM ee jooga.

Qoysaskii dadkii shalay AMISOM ay dileen ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkasi aan la aasi doonin ilaa AMISOM jawaab ka bixiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.