Axmed Madoobe oo Kismaayo ka furay Shirka Wasiirada Amniga dowlad Goboledyada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furay shirka Wasiirada amniga Dowlad Goboleedyada oo ay ka qayb galayaan Taliyayaasha Hay’adda nabadsugida Dowlad Goboleedyada dalka.

Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay kaalintaan in ay lahayd Dowlada Federaalka ah balse ayna kasoo dhalaalin taas badalkeedana ay ku mashquushay bur burka dalka iyo carqaladayn joogto ah wuxuu sheegay Madaxweynahu in ay dardar galin doonan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah islamarkaana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo.

Shirkaan ayaanan u ekayn mid guul kusoo dhamaanaya sababtoo ah Axmed Madoibe Kismaayo ayuu go’doon ku yahay halka maamul goboleedyada kalena aysan waxba soo kordhin karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.