Wasiir Maaliyada iyo Taliyaha Booliska Somaliya oo Kulan wada qaatay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysay Booliska.

 

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan Amniga, dagaalna ay kula jiraan Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo Shacabka u maleega Weeraro ay ku dhibaateeyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyo xasiloonida ay soo hoyeen Ciidamada Booliska, iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.