Akhriso:Dowlada Soomaliya oo Sheegtay Xiliga laqabanayo Doorashada Madaxwaynaha Koonfurgalbeed

koonfurgalbeed

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo Nuqul ka mid ah uu soo gaaray warbaahinta ayaa u qornaa sidan.

 

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta  iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed  waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono  in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta   waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed  in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

                        Dhammaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.