Daawo:Guddiga khayraadka iyo Bay’ada oo shegay 7 Milyan oo geed in lajaray

axmedmadobe

Shirkii Guddiga khayraadka Bay’ada Barlamaanka Soomaliya iyo wasarada Xananada Xoolaha ayaa waxaa lagaga hadlay xaalufinta deeganka, shidista iyo dhoofinta dhuxusha iyadoo lasheegay in lajaray 7,000 000 Geed in kabadan, Geedaha ugu badana Laga Jaray Jubaland

wasaradaha Xananada xoolaha dhirta iyo daaqa ayaa waxay sheegtay Geedaha ugu badan in laga Jaray Deeganada maamulka Jubbaland Geedahaas ayaa waxaa laga dhigay dhuxul iyadoo dhuxushaa laga Dhoofiyey Dekada Soomaliya,

Warbinta wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in 30kii daqiiqo hal geed in lajaro geedahaas oo kooban kuwa laharsado, Kuwa Mirahooda lacuna oo uu kamid yahay Geedka cambaha, Qaramada Midoobay ayaa horay waxay ugu eedeysay Madaxwaynaha Jubbaland inuu dekada Kismaayo ka dhoofiyo dhuxusha ugu badnayd ee Soomaliya laga dhoofiyo taas oo ay dhaqaalo ka helaan Alshabab.

Guddiga khayraadka Bay’ada Barlamaanka soomaliya ayaa waxay sheegen inay warbixin kasamaynayaan Jarista lagu hayo dhirta lana wadaagayaan Barlamanka Soomaliya iyo hay;daha ay qusayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.