Wasiirka Difaaca oo lagu amray Dardar-gelinta Isla-xisaabtanka, Qorshaha Dib-u-dhiska Ciidanka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin calooshood u shaqeestayaasha, arxanlaawayaasha, diin-laawayaasha ah ee gumaada caruuta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro ficillada gurracan ee ay wadaaan kooxda ku shaqaysa aragtida loo soo dhiibay ee lacagta iyo dhaqaalaha badan ka samaysa daadinta dhiigga birimagaydada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay ka been sheegayaan diinta, diinteennuna aysan ogolayn in caruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, waxa uuna intaa raaciyay in hadii ay dhab ka tahay diinta ay sheegayaan ay iyagu is qarxin lahaayeen ama caruurtoodda ay qaraxyada u adeegsan lahaayeen.

Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciida Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan soo af-jaridda cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Xigasho warbaaimta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.