Akhriso:Sheekadii Xiisaha Lahayd ee Muna Miiggane Q1aad

maqa

Sheekadii Muna Miiggane Q1aad
Sheeko taxana ah.
Muna maanta waa sideed iyo toban jir, waa gashaanti dhamaystiran gugii kaba ka roor iyo kalayaacii ayay ku dhalatay duleedka tuulada qax u jog, ee gobolaka Gedo. Waagay yarayd hooyadeed Saxarla Guure, waxay ka maqli jirtay gabadhayda Muna, waa falxad sanadkay dhalatay gu’ samaad buu ahaa, adhigii noo dhalay waxaruu wada dhalay, geelii noo dhalayna nirguu wada dhalay, hal mid ah na kama af qudhmin oo si fiican bay da’daasu u hana qaadday. Laakiin Muna arrintaas hooyadeed sheegtay ma hubto dhabnimadeeda wali wax mucjisa ah iskuma ay arag.
Waa barqo duhur xigeen ah waxay hoos taagantahay geed Tincad ah, si qasad la aan ah ayay indheheedu laamaha geedka iyo ubaxa saaran ugu duldhacayaan. Xasuus badan ayaa maankeeda si fasax la aan ah u soo weeraraysa. Dhacdooyin badan oo muruga leh ayaa ka sheeda ka soo maaxaya, waxaase ugu daran labo dhacdo oo sigaar ah iyada u taabtay tiiranyo iyo muruga badana ku reebay midi dorraad ayay dhacday midana isbuuc ka hor. Waayahanba diyaaradaha Kenya deegaanka duqaymo ba’an ayay ka wadeen si aabayeel la’aan ah ayay dad iyo duunyaba u rusheynayeen. Duqaymhaas waxaa ku nafwaayay aabbeheed Miiggane. Duq Miiggane asagoo subixii nabad ku waabariistay halo dhawr ah oo irmaan ah ayuu ku dareeriyay kayn guriga u dhaw nasiib xumase xoogaba hadduu gurigii ka yar durkay diyaaraduhu weerar bay ku soo qaadeen halkaasna waxaa ku nafwaayay Miiggane iyo duldihii uu caruurta u maalijiray.
Dhacdada labaad oo taas ka sii daran waxay ahayd markii isbuuc ka hor walaasheed Cabdiyo Miiggane ay magaalada caano u qaaday meel dhexe iyadoo sii socota oo dhawr caag oo caano ahina dhabarka ka u saaranyihiin ayaa ciidan Kenyan ah meel ku qabtay ka dibna ay afduubeen oo ay halkaas ku kufsadeen, iyadoo dhawaac ah oo nafxuni ku jirto ayaa isbitaal loola cararay ilaa iyo maantana isbitaalkii ayaa lagu dabiibayaa. Askartii dhibkaas u gaysatayna cid tillaabo ka qaadday iyo cid la xisaabtantayna hasheegin.
Muna maalintii ay dab ka gudday ilaa maanta dhaagaheedu balaayo way maqlayeen meel hebla dagaalbaa ka dhacay, dad baa la qarxiyay dad baa…. Dad baa la xasuuqay dad baa la laayay, gabadh baa la kufsaday hoog iyo hiirtaanyaley laakiin wali musiibadu sidan maanta gondaha u qabsatay uma soo marin. Haddii ay maqli jirtay dad la qarxiyay maanta waa duunyo la qarxiyay, haddii ay maqli jirtay diyaarad ciidan lagu weeraray oo laysay maanta waa diyaarad geel weerartay oo toban ka dishay, haddii ay maqli jirtay qof baa la dilay maanta aabbeheed Miiggane ayaa la dilay, haddii ay maqli jirtay gabadhbaa la kufsaday maanta walaasheed ka wayn baa la kufsaday. alla murugo waynaa!.
Waayahanba su’aalo waxaa jiray aay Muno jawaabo u wayday, waxaa jiray erayo ay fasiraadooda ku wareertay waa erayo balastic ah oo hadba sidii cinjirkii meeshii la doono loo jiido, waxaa ka mid ah erayadaa: Dawlad, Maamul Goboleed, Federal, Farmaajo, Axmed madoobe, Ethopia, Kenya ,argagixiso, Al-shabaab, Ahlu sunno, Al-qaacido iyo kuwa kaloo badan. Su’aasha ugu badan ee maskaxdeeda daalisay waxay ahayd waxan oo magac ahi manfac yaraa oo mushkilad badanaa, wax aan dagaal iyo dil ahayn garaad koodu ma keeni waayay ? saw waddo kale oo aan dagaal ahayn lama heli karo?.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ciidan Itoobiyaan ah oo saqaafe ah laguna sheegay in ay argagixisada baacsanayeen ay walaalkeed Gaanni Miiggane tuulada ficil-xun beerka kaga toogtay isagoo geel ka waraabinaya ceel halkaa ku yaalla. Darroodna diyaaradaha Kenyan ah ayaa aabbeheed halihiisa ku dhexdilay Muna waxay istidhi malaha maba ogide oo lax daad ka war la dahaye argagixida ay dawladuhu la dagaalamayaan waa reerkiina ? oo geela diyaaradaha lagu xasuuqayna muxuu galabsady? dee mooyi malaha geela laftiisa ayaa argagixisada ka mid ah!!.
Muna walaalkeed markay cidamadu Itoobiyaanku gardarrada u toogteen mid ka mid ah madaxda gobolka ayaa ka hadlay dilkii walaalkeed wuxuuna yidhi ciidanka Amisom ee walaaleheen ah aad bay u mahadsanyihiin mid ka mid ah argagixisada ugu waa wayn waddanka ayay maanta maydkiisa haadda u wadheen!! Muno markay warkaas maqashay waxaa ku soo dhacay meersiyo yamyam tiriyay Rabbi ha u naxariistee:
Waagaan dad qalatada
U aqiin dugaag falan
Illaan duni war uma hayn
Shaw dabeecadaa jira
In calool la dooxoo
Dhiig la daadsho mooyee
Aan farxadiba soo dagin
Illaan xiisa darariyo
Darsin waayahaa qaba
Maxaa yaab isdabayaal.
war illaan yaab goormuu wiilkaas yar ee miskiinka ah ee geel jiraha ah argagixiso wayn noqday. Aad bay Muno ninkaas warkiisa ula yaabtay waxay aamintay gaalkii walaalkeed dilay in nin kani uga daranyahy waxaa qalbiga kaga soo dhacay meerisyadii Qamaan Bulxan lahaa:
“Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane.”
Waxay maanka ku haysay in Madaxwaynaha Ummadu jeceshahay ee barakaysan Farmaajo arrinta soo dhexgali doono oo ninkaas dhiigii walaalkeed duudsinaya uu tillaabo ka qaadi doono ka dibna ciidankii waleelkeed gardarrada ku dilay la xisaabtami doono oo ka noolayn doono xaajadaa gurracan. Laakiin balaayo waxay dhacday markii madaxwaynihii juuqba laga waayay waxaabad mooddaa kaniinkii hurdada in uu liqay oo waxa waddanka ka socdaba uusan ka war hayn mise wuu ka war hayaaye tabar buu u waayay uu wax uga qabto? oo hadduusan wax kale awoodai xataa hadal ma awoodi waayay iyo waan ka xunahay oo kaliya in uu dhaho? mise raali buu ka yahay ayay Muuno is waydiisay!

La soco qaybta labaad
W/Q: Maxammed Rashaad Muxyaddiin
saajid4045@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.