Daawo:Shaqaalaha dawladda ayaa billaabay in ay is-xilqaan ku dhisaan Golaha Murtida iyo Wacyi gelinta

Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda federaalka Soomaaliya oo fulinaya qorshaha dawladda ee ah in dalka lagu dhiso is-xilqaan ayaa maanta billaabay ka qayb qaadashada dhismaha ka socda xarunta murtida iyo wacyi-gelinta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulsahda Maxamed Cadde Muqtaar, oo qayb ka ahaa masuuliyiinta is-xilqaamay ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay fursad u heleen in ay noqdaan shaqaalihii ugu horreeyay ee is-xilqaama, ayna maanta ka qayb qaateen dhismaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta oo dhawaan uu dhagax dhigay madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Maareeyaha Guud ee xarunta murtida iyo wacy-gelinta, Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, ayaa sheegay in ay tahay wax wanaagsan in dib u dhisku uu ku billaawday si wanaagsan, shaqaalaha dawladuna ay bilaabeen in ay ka qayb qaataan.

Aways Amiin Muqtaar waxa uu kamid yahay shaqaalaha wasaaradda, waxa uu ku faraxsanyahay in uu qayb kamid ah waqtigiisa iyo xooggiisa ku bixiyo dib u dhiska dalka, waxa uuna rajeeyay in hadii qof waliba is-xilqaamo in dalka dhan dib loo dhisi karo, dhallinyarada ayuu ku dhiirri geliyay in ay ka qayb qaataan.

Xarunta Murtida iyo wacyi gelinta oo la dhisay 1965, ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhagax dhigayOktoobar 13, 2018 si dib loogu hagaajiyo si dib loogu billaabo hawlihii lagu qaban jiray iyada oo la adeegsanayo barnaamijka ix-xilqaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.