Akhriso:Cabdikariim Guuleed oo sheegay Galmudugtii shalay Gaas Magan Uma Ahayn

gulled

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa shirka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada qaarkood uga furmay Magaalada Garoowe waxuu weerar ku qaaday Galmudugtii uu Hogaamin Jiray Cabdikariim guuleed isagoo sheegay “”Galmudugtii Shalay waxay ahayd Mid ay ishaystaan Galmudug iyo Ahlusuna waxaana dagaal kadhacay Gaalkacyo labo jeer shidadanaa waa socotay ilaa Xaaf kayimid asagoo heshiis lagalay Ahlusuna Gaalkacyana waa nabad””

Madaxwaynihii hore Galmudug Cabdikariim Guuleed ayaa waxuu ka jaawabay weerarkaas uu kusoo qaaday Cabdiwali Gaas asagoo Bartiisa Facebooga kusoo qoray Qoraalkaan Hoos ku qoran.

GAAS IYO GALMUDUGTII SHALAY
Waxaa dhageystay warka uu mudane Gaas ka jeediyey madashii lagu furayey maanta shirka Garawe, waxaanna aad ola yaabay warka xaqiiqada ka fog ee uu maamulkii Galmudug ee aan madaxda ka ahaa ku eedeeyay inuu dagaalka Gaalkacyo hurinayey.
Haddaba waxaan rabaa inaan halkaan ku cadeeyo in Galmudug ay aheyd maamul nabadeed, nabadda Gaalkacyana u jajabneyd mar kasta waxaana taas marqaati ka ahaa dhamaan mas,uuliintii ku soo baxay colaadda ee Soomaali iyo ajnabiba lahaa, ku waas oo si cad u arkayey gardarada iyo colaadda ay Puntland iyo Cabdiwali Gaas wadeen, ee ay oga soo horjeedeen jiritaanka maamul ee Galmudug, taasna waxaa daliil u ah in mar kasta cidda ergada nabadeed ay culuska saaraysay uu ahaa Cabdiwali Gaas iyo maamulkiisa, halka anaga dhankeena wax kasta oo na loogu yimaado ee nabadda ku saabsan ay miiska naga saarnaayeen, waxaa kaloo soomaali oo dhan ay marqaati ka aheyd hadaladii colaadeed ee uu mudane Gaas ka jeedinayey markasta golaha nabadeed ee loo qabanayey nabadeyta Gaalkacyo.

Haddaba mudane Gaas marka uu is barbardhiyo Galmudugtii shalay iyo maanta malaha Galmudugta maanta waxuu ka helay oo uu ku heysta wax uu ka waayey Galmudugtii shalay waayo GALMUDUGTII SHALAY WAXAY AHEYD MID AAN MAGAN AHEYN OO U MADAX BANAAN SIYAASADAHEEDA IYO JIRITAANKEEDA, UNA TAAGAN DANAHA DADKEEDA IYO DEEGAANADEEDA, TAAS OO AYSAN CIDNA WAX UGU DHIBEYNIN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.