Maamulka Gobolka Hiiraan oo Digniin udiray kooxaha Isbaarada Dhigta

dabageed

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegey iney talaabo cad ka qaaadi dooonaan maleeshiyadka caadeystey iney dhac u geystaan gawaaridda safarka ah ee isticmaala deegaananda.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay amar ku qabaan inay bartooda ku toogtaan kuwii lagu arko iyaga oo isbaaro dhiganaya oo dhibaateynaya shacabka.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa bilaabay howlgallo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka caadeystay inay bulshada dhibaateeyaan, iyadoo howlgalladaasi ay ka socdaan deegaanno hoos timaado Gobolka Hiiraan.
“Isbaaro ninkii loogu tago oo waddada dhigta ama qof u dhigta, qofkaas meesha loogu tego ayaa lagu tooganayaa, warqad aan anigu saxiixay ayay ciidamadu wataan, falkaasi cid kale waxba lagama weydiinayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Dhawaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ar rasaas ku fureen gaari rakaabka ah kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.