- Daawo:Gudiga Maaliyada Barlamanka Somaliya iyo Madax kasocota Midowga Yurub oo Kulmay
- Isku-shaandheyn amar kale lagu sameeyay Golaha Wasiirradda Hirshabeelle.
- Daawo:Xasan Sheekh ayaa ka hadlay kulamadii adkaa ee uu la qaatay bulshadda Magaaladda Baladwayne.
- Daawo:Sheekh Kinyaawi ayaa sheegay ka Codsaday Madaxweyne Farmajo in uu Cafiyo dad ku dhibaataysan Xabsiga dhexe
- Muuse Biixi Oo Dhagax Dhigay Waddo Isku Xidhaysa Hargeysa Iyo Kalabayr.
Khayre oo Xalay kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.
- Updated: 20th October 2018

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo amniga caasimadda , isagoo waqtina la qaatay shacabkii halkaasi uu kula kumay xiligaas.
Goobaha ay isku yimadaan bulshada muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaaliya kula kulmay qeybo ka mid ah shacabka kuwaa oo uu waydiinayey talooyinka iyo tabashoyinka ay qabaan ee ay doonayaan in ay dowladdu wax kala qabato, isagoo si cadi ah uga jawaabayey su’aalihii ay wadiinayen qaar Kamid ah dadkaasi.
Mudane Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska oo ku jiray xiligaas howlgallo ay ku xaqiijinayeen amaanka Caasimadda, waxa uuna ku boogaadiyey kulana dar daarmay in ay laban laabaan wajibaadkooda ku aadan ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka.
Kormeerkan xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda,isagoo horay sidan oo kale dhoor Mar Kormeeray qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Bamaadir.