Daawo:Aqalka Sarre oo isu badalay Afhayeen Axmed Madoobe iyo asagoo soo hadal qaadin Xalintii Hirshabeele

aqalka sare

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Somaliya Cabdi Xaashi C.laahi oo Warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre in laga doonaayo saddex cisho oo ka bilaabaneysa maanta 20ka Bishan kuna eeg 22ka Bishan inay uga jawaabaan Khilaafka ka taagan iyaga iyo Maamul Goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa Wuxuu sheegay inay Dowladda Somaliya u gudbiyeen 05/10/2018 natiijadii ka soo baxday kulamadii ay la qaateen madaxda maamul Goboledyada, islamarkaana dowladda jawaab laga sugaayo.

Hadalkaan kasoo Yeeray aqalka sarre ayaa waxaa Moodaa mid aan miisanayn asagoo aanan soo hadal qaadin in laxaliyey qilaafkii u dhaxaayey Maamul Hirsshaballe iyo Dowlada, waxaa kaloo moodaa in Aqalka Sarre Dag dag ku Jiro sababtoo ah 05/10/2018 ayey u gudbiyeen dowlada Cabashada ka tamid Madaxda maamul goboleedyada Qaarkood taas oo aqalka sarre wax doodan ka yeelan.

Waxaana moodaa Aqalka sarre inuu garab maray danta Shacabka Soomaliyeed uuna ka shaqeeynayo danta qaar kamida Madaxda Maamul goboleedyada.


aqalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.