Daawo:Axmed madoobe oo sheegay Inuu Dowlada Wadahadal la galayo

madoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Ku meel gaarka ee Jubbaland.

Axmed madoobe iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa Kulan ay Saxaafada banaanka ka joogtay isla qaatay waxaa ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin howlgallo dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Alshabab looga sifaynayo iyo Axmed madoobe oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wado hadal aan sharuud ku xirnayn Dowlada Federaalka Soomaliya la galo.

Axmed Madoobe ayaa waxaa soo foodsaaray Culays wayn ookaga imaanaya shacabka Jubbaland kuwaas oo bananbaxyo looga soo horjeedo Axmed Madoobe ay ka dhaceen Degmooyinka Jubbaland intooda Badan.

.

1 Comment

Leave a Reply to mahad muuse jamac Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.