Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga

booliis

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “AMEERIKO” ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Turkiga.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dib u dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kordhinta Tababarada dawladda Turkiga ay siiso Booliska iyo siddii Ciidamada booliska labada dhinac ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn aad u wanaagsan.
Markii uu idlaaday kulankaasi, ayaa Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar iyo Masuuliyiintii la socday waxay Hadiyad iyo Bilad sharaf waxay guddoonsiyeen Taliyaha Ciidanka Booliska, iyaggoo S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ku ammaanay shaqada culus ee uu hayo iyo isbadalka horumarineed ee uu ka sameeyey Taliska Booliska.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Danjire Olgan iyo Masuuliyiintii la socday inay kawada hadleen qodobo badan oo ay kamid tahay horumarinta Ciidanka Booliska.
“Maanta waxaa Taliska Ciidanka Booliska nagu soo booqday Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan uu hoggaaminayo Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, Kulan aan yeelanay ayaa waxaa uga wada hadalnay siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Ciidanka Booliska iyo kordhinta tababarada Dawladda Turkiga ay siiso Taliska Booliska” ayuu yiri S/gaas Bashir Ameeriko.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.