class="post-template-default single single-post postid-46546 single-format-standard">
Gedo Times

Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eratariya ayaa soo gaaray Muqdisho

Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiy.
Warkii warbaahinta qaranka.

Kala soo xeriir Shabakada Gedo Times Cinwaankan hoose

gedotimes1@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.