Maamulka Garbaaharay ayaa labo wiil u xiray qoraal ay kusoo qoreen Facebooga

jylani

Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo ayaa waxay labo wiil oo dhalinyaro ah loogu xiray qoraal ay kusoo Qoreen bogooda facebooga taas oo ka caraysiisay shacabkii Magaalada Garbaaharay sababtoo ah waa dhaqan ku cusub Magaadalada Garbaaharay.

Dhalinyaradaan oo kuxiran Xabsiga Magaalada garbaaharay ayaa waxaa lakala Yiraahdaa Wariye Jeylaani Xuseen Yusuf iyo Dr Cabdirixamaan Shiiq Maxamuud oo kamida aqoon yahanada Magaalada Garbaaharay.

Xarigaan Labadaan dhalinyaro loo gaystay ayaa waxuu noqday kii ugu horeeyey oo Qof loogu xiro Facebooga, Xariga noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa lagula kacaa shacabka Jubbaland ee ku dhaqan Magaalooyinka Kismaayo, Dhoobley iyo Afmadow lamana oga inay Maamulka Garbaaharay soo Maan guuriyeen dhaqankii Foosha xumaa ee Axmed Madoobe ku hayey shacabka Jubbaland.
jey

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.