Akhriso:Fashilkii Xasan shiiq iyo Hadaladiisii Siyaasadeedee Maanta W/Q Jimcaale

xasan

MADAHWEYNIHII HORE HASSAN SHIIKH MAXAMUUD IYO HADALKIISA SIYAASADA MAANTA.
Maanta waa 16/10/18,waxaan akhriyey khudbad nuxurkeeda la soo koobay ee laga soo tebiyey madaxweynihii hore mudane Hassan Shiikh Maxamuud kuna saabsaneyd siyaasada Soomaliya ee manta ,waxaan aad u milicsaday saddex qodob oo kala ah.

1- DIMOQARAADHIYAD. 2-DAWLADA .3-XUSUUSTA XASSAN WAA KUMA?
Aan ku hormaro dimoqaraadhiyad ,In kasta oo fikirka aan ka haysto waaya,aragnimadayda qof kasta sida uu jecel yahay ay dimoqaraadhiyad u tahay,haddana dawyowga dunidu waxay u macneeyaan (XUKUNKA DADWEYNAHA) kana timid laba erey oo Giriig ah oo laysku kabay una macneysan sida sare ujeedaduna tahay in dadku soo doorto hogaamiyayaashooda si xor ah oo nabad ,haddaba odaygu wuxuu dalkayaga ku sheegay mid dimoqaraadhi ah markaas waxaa I horyimid arimahaan ama sawirka dalka Soomaliya iyo dimoqaraadhiyadu sey u kala fogyihiin.

Biyaha maanyada ama badda waa burcadbadeed iyo bililiqo khayraad kayaga la boobaayo indhahayada oo shan ah dhulkuna waa bamboo iyo kharax magaalooyinku waa rasaas is dhaafaysa iyo baaruud olaleys baabuurta gargaarka deg dega waa kuwo isbitaalada ka soo socda iyo kuwo ku sii socda,subax kasta waa meyd la xabaalaayo iyo dhaawac la guraayo baarlamaan,aqal sare iyo xukuumad sidey ku yimaadeen aa nog nahay baa dalka ka talinaaya waxaana qabaa in ayaga oo xaalada sare ku shaqaynaaya ay qabteen intii ay kareen oo aad loogu amaani karo,markaas waxaa igu dhalatay in aan akhristayaasha weydiiyo xaalada sare dalkayaga ay ka jirto ma yahay mid dimoqaraadhi ah ama noqon kara manta? Jawaabta waxaan u daayey khristayaasha.
Dawlada ereyga ah ayuu isticmaalay mudane Xassan Shiikh Maxamuud asaga oo dhaliilaya dawlad waxaan u haystaa in ay tahay saddexda qaybood ee Golaha shacbiga ee ugu sareeya assaguna ka mid yahay ,laanta fulinta iyo garsoorka.Sow ma haboonayn hadduu mid ujeedo in uu caddeeyo?Jawaabta akhristayaasha baan u daayey,hadawse isku duuduubay xaggee asaga iyo galaha shacbigu uga baxsanayaan dhaliisha?
Aan ku soo gunaanado waa kuma Xassan Shiikh Maxamuud? waa madaxweynahii kan manta jooga ka horeeyey waxaana ku xasuusanaa arimahaan;-
1-Wuxuu u fududeeyey Generaal gabre in uu dalkayaga u qaybiyo lixqaybood oo toos Tegreegu Addis ababa uga xukumo asaguna qaybta lixaad Fiila sh
2-Waxaan ku xasuusanaa mudane Xassan Shiikh macaawino lacageed oo afartii sano Soomaaliya loogu yaboohay in aanaan garan Karin halka ay martay.

3-Waxaan ku xasuusanaa Hantidii ma guurtada ahayd sida Iskuulo,xeryo ciidan,Hoteeladii dawlada,dhulkii warshadaha oo markii ugu denbaysay oo waqtigu ka dhamaanaayey lagu qabsaday baarlamaankii hore oo golahii shacabku ka badbaadiyeen,Jardiinooyinkii ama beerihii nasashada iyo goobihii dhalinyaradu kubada ku cayaarijireen,intaas Mudane Xassan intii wada xaraashtay buu wuxuu ka xisoon waayey goobtii caanka ahayd oo dabaaldega maalinta qaranka iyo munaasibadaha kale lagu qaban jirey.

4-Waxaan ku xasuusanaa mudane Xassan Shiikh in uu ka tegey ciidan iyo shaqaale aan Sagaal bilood mushaar qaadan.
5-Mudane Xassan Shiikh waxaan ku xasuusanaa in afartii sano oo uu xukunka hayey la dilay tiro labaatan ku dhow oo xildhibaano tira aan ka yareyna la dhaawacay kuwaas oo dhammaantood ahaa kuwii isaga dhaliili jirey oo weliba khaarkood madaxtooyada dhexdeeda bam gaari loogu xiray,khaar ayyaga oo intay xildhibaano soo laayeen la eryanaayo madaxtooyada laysla soo galay oo ay ilaaladiisa noqdeen Waa xilbaan Cabdala Boos iyo Xil. Idiriis oo asagu geeriyooday.

Isku soo wadaduub maandeed Xassan Shiikh Maxamuud intuu kooxdii iyo godalkiiba ka malay oo haddana miriqsaday , markii wax uga soo dhici waayeen buu gujo ku dayey naxariis la,aanta iyo indha,adyga intaas leg waa tan laba sano markii uu maqnaa is moodsiiyey in dhibaatada intaas leg la iloobey oo isbahaysiga BOOBKA IYO BAHALNIMADA XAMAR UGA DHAWAAQAY,MARKII UU ARKAY MAANDEEQ CANDHADEEDA OO CAANA KU SOO DHACEEN.
Aaan ku soo gabagabeeyo ma mudan yahay in xeerilaalinta qaranku ku soo oogto danbi musuqmaasuq iyo qiyaanoqaran waaba xukun danbe oo uu u hanqaltaagee?
La yaabi maayo dhaqanka Soomaalida baa ka soo jeeda ninka dadka laaya oo reerka geel uu soo dhacay keena ,baa la amaani ,jirey ragana u fiicnaa ,hablaha tan ugu qorxoon oo ugu fiicana guursan jirey,arintaas waxay saamaysay ilbaxnimadii iyo dawladnimadii oo NINKA MASUULKA AMA MADAXDA NOQDA EE WAX ISDABAMARYA,XOOLAHA LAGU AAMINAY DHACA,HANTIBADAN SIDAAS KU ARUURSADA REER MAGAALKAYAGA WAXAY KU SHEEGAAN NIN KARMEED ASANA WEYS CAJABIYAA.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.